Tuesday, August 18, 2026

Khilaafka Golaha Shacabka oo sii xoogeysanaya iyo dib u bilaabashada Fadhiyada Golaha Shacabka

Kadib afar kulan oo xiriir ah oo baaqday iyada oo aan wax faahfaahin rasmi ah laga bixin sababta keentay hakadka, ayaa xalay la diray farriin rasmi ah oo lagu wargelinayo Xildhibaanada Golaha Shacabka in kulamada Baarlamaanka dib loo ambaqaadayo maanta oo Arbaco ah.

Fadhigii ugu dambeeyey ee Golaha Shacabka ayaa u baaqday sababo la xiriira buuq iyo gadood ka dhashay dhanka Xildhibaanada mucaaradka, kuwaas oo si cad uga hor yimid goโ€™aanka Guddoonka ee ku aadanaa in Xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib laga saaro xubinnimada Golaha. Mucaaradku waxay fadhigaasi ka dhex abuureen jahwareer siyaasadeed, iyaga oo xitaa burburiyay qalabkii cod-bixinta ee Golaha si ay u hor istaagaan ajandaha.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa goโ€™aankooda ku saleeyay in Xildhibaan Abiib uu labo kalfadhi xiriir ah ka maqnaa kulamada Golaha, isagoo aan keenin wax cudur daar ah. Arrintan ayaa horseeday caro xooggan oo ay muujinayaan in ka badan 100 xildhibaan oo mooshin rasmi ah ka gudbiyay Guddoomiyaha Golaha, Sheekh Aadan Madoobe.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka saacadihii lasoo dhaafay ayaa lagu sheegay in arrinta Xildhibaan Abiib loo gudbiyay Guddiga Xeer-hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda si ay uga soo talo bixiyaan, taasoo qayb ka ah isku day lagu yareynayo xiisadda taagan.

Si kastaba, xildhibaanada mucaaradka ayaa si cad u sheegay in aanay ka laaban doonin mooshinkooda, islamarkaana aysan ku qancin bayaanada kasoo baxaya Guddoonka Golaha, iyaga oo ku adkeysanaya in la helo isla xisaabtan dhab ah iyo ilaalinta xuquuqda xildhibaannada.

Dib u furitaanka kulamada Golaha Shacabka maanta ayaa la eegayaa sida ay u wajihi doonaan labada garabย  mucaaradka iyo guddoonka, iyadoo laga cabsi qabo in uu markale khalkhal galo fadhiga haddii xal siyaasadeed laga gaarin khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles