Ukarine iyo Maraykanka oo ugu danbayn heshiiskii la sugayey gaaray

Maraykanku wuxuu saxiixay waxa uu ku tilmaamay iskaashi dhaqaale oo taariikhi ah oo uu la galay Ukraine.

Heshiiska ayaa dhisaya sanduuq maalgashi oo wadajir ah oo bixin doona kharashaadka dib u dhiska dalka.

Heshiiskani wuxuu si wax ku ool ah Maraykanka wax uga siinayaa faa’iidooyinka ka soo gala horumarinta shidaalka iyo gaaska Ukraine mustaqbalka.

Bedelkeeda, Ukraine-na waxay heli doontaa caawimo militari oo joogto ah oo ka timaadda Maraykanka.

Ukraine ayaa la rumeysan yahay inay leedahay kayd aad u badan oo ah macdanaha muhiimka ah sida graphite, titanium iyo lithium.

Macdanahaas kala duwan aad ayaana loo raadiyaa sababtoo ah waa in loo isticmaalo tamarta la cusboonaysiin karo, qalabka militariga iyo kaabayaasha warshadaha.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Maraykanku uu dagaal ganacsi kula jiro Shiinaha, halkaas oo 90% kaydka macdanaha naadirka ah ee dunida il u ah.

Oleksandr Merezhko oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Ukraine, kaasoo mas’uul ka noqon doona in uu baarlamaanka guud ahaan dalkaas u soo jeediyo talo ku saabsan in la ansixiyo heshiiska.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles