Tuesday, August 18, 2026

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo si adag u cambaareeyay falkan ka dhanka ah Xildhibaanada iyo Saxaafadda

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si wadajir ah u soo saaray war-murtiyeed ay si adag ugu cambaareeyeen falal gacan-ka-hadal ah oo ay geysteen qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda Xamse iyo ciidamada Booliiska ee Baarlamaanka.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in weerarro lagu qaaday xildhibaano iyo saxafiyiin ay yihiin falal si cad u xadgudbaya xasaanadda xildhibaanada, xorriyadda saxaafadda, iyo nidaamka dowladnimo. Sidoo kale, waxaa lagu eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe inuu ku kacay hadallo aflagaado ah iyo ficillo lagu caburinayo xubnaha Baarlamaanka.

Waxay siyaasiyiintani hoosta ka xariiqeen in Guddoomiyaha Golaha Shacabka marar badan loo jeediyay digniin ah in uu joojiyo afduubka, hagardaamada iyo hoosaasinta uu Golaha ku hayo, balse ay muuqato inuusan waxba ka beddelin dhaqankiisa.

Ugu dambeyn, waxay ugu baaqeen Guddoomiyaha inuu si buuxda ugu hoggaansamo sharciga, iskana daayo ficillada dhaawacaya kalsoonida shacabka iyo sumcadda hay’adaha dowladda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles