Saturday, April 25, 2026

Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday ciidamada Puntland

Wararka ka imaanaya buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Daacish ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhiga ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Dasaan ee Gobolkaasi.

Guutada labaad ee ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan degaanka Dhasaan ayaa xalay fashiliyay weerar ay ciidamada ku soo qaadeen koox ka tirsan firxadka mileeshiyaadka ISIS.

Mileeshiyaadkii weerarka soo qaaday ayaa is qarxiyay ka hor inta aysan soo gaarin difaaca hore ee ciidanka, halka dhammaan intii kale ay ciidamadu toogasho ku dileen, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada.

“Tiro kamid ah argagixisada ayaa is qarxiyay ka hor inta aysan soo gaarin difaacyadii hore ee ciidamada, waxaana ciidamadu toogasho ku dileen dhammaan intii soo hartay oo isku dayay in ay weerar toosa fuliyaan, kuwaasi oo meydadkooda la soo bandhigayo markii waagu baryo” sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan guutada labaad ee ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Dhasaan.

Illaa iyo hadda, maamulka Puntland kama uusan bixin wax war rasmi ah oo ku saabsan weerarka,

Degaanka Dhasaan ayaa dhanka juqraafi ahaan u dhaw magaalada Balidhidhin, oo ah taliska weyn ee ciidamada Puntland. Istaraatiijiyadda deegaankaasi ayaa ka dhigeysa bartilmaameed muhiim ah oo ay kooxaha argagixisadu marar badan isku dayaan inay weeraraan

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Dhiggiisa Boqortooyada Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay xafladda caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Faracadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Janan oo fariin adag u diray dowladaha dariska ah

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland...

Xiisad ka taagan xabbad joojinta Israa’iil iyo Lubnaan

Maalmihii ugu dembeeyey tan iyo markii uu Donald Trump...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles