Wednesday, June 24, 2026

Lafta gareen oo ka tagay Muqdisho, kadib markii ay MW Xasan Sheekh isku fahmi waayeen xisbiga Cusub

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo dib ugu laabtay xarunta maamulkiisa ee Magaalada Baydhaba.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Madaxweyne C/casiis Laftagareen uu ka tegay Muqdisho, kadib Markii ay madaxweyne Xasan Sheekh isku mari waayeen qaab dhismeedka iyo awood qeybsiga Xisbiga cusub ee Cadaaladda Iyo Wadajirka.

Xisbigan oo ay ku midoonayan Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada taabacsan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo qorsheeyay inuu dalka sii maamulo muddo 5 sano ah oo hor leh, marka la qabto doorasho toos ah.

Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu Madaxweyne Laftageen markii hore dalbaday in la siiyo jagada Xogyaha Xisbiga cusub, taasoo loo qoondeeyay Wasiir hore C/raxmaan Odowaa, waxaana Markii la isku mari waayey ay keentay inay shalay baaqato munaasabad si weyn loo agaasimaha oo lagu shaacin lahaa urur siyaasadeedka cusub.

Ilo xogogaal ah ayaa noo sheegay in kulamadii ugu danbeeyay uu Laftagaeen dalbaday inuu xaq u leeyahay Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Iyo Wadajirka, xilkaas oo meel loo dhigay RW Xamse Cabdi Barre.

Wadahadalladii socday ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo Madaxweyne Xasan uu ku qancin waayay C/casiis Laftagareen inuu ka mid noqdo xisbigiisa cusub.

Ka tegista Laftagareen ee Muqdisho ayaa la sheegay inay soo dedejisay arrin gaara oo, balse waxaa laga cabsi qabaa in sidaas ku kala tageen labada dhinac.

Warar ku dhowdhow Madaxweynaha K/Galbeed ayaa sheegay inuu diyaarinayo dhismaha Xisbi cusub oo siyaasadeed, kaasoo uu isagu guddoomiye ka yahay, laguna wado inuu dhawaan uga dhawaaqo magaalada Baydhaba.

C/acasiis Laftagareen ayaa ka mid ahaa madxda saddexda Maamul Goboleed ee taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh, balse waxaa muuqata inuu kasii degayo Tareenkii Villa Somalia oo ay hore uga hareen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

WARARKII KALE

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

Ahlu Sunna Waljamaaca oo laga saaray Liiska Kooxaha lagu eedeeyo Askaraynta Carruurta

Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ururkii Ahlu Sunna...

Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidanka badda ku qalabaynayo hubka niyukliyarka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa sheegay in...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles