Golaha Ammaanka Q.M oo ka shiraya siddii taageero dhaqaale loo heli lahaa ciidamada AUSSOM

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu 15-ka bishan May yeesho kulan gaar ah oo lagu gorfeynayo sidii loo heli lahaa taageero dhaqaale oo joogto ah oo la siiyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo howlgal ka wada gudaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu soo beegay xilli ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in sanduuqa Qaramada Midoobay laga maalgeliyo howlgalka AUSSOM, halkii ay si toos ah ugu yaboohi lahaayeen dalalka reer galbeedka.

Dowladda Mareykanka ayaa  diiday in ay taageerto qaraarka la filayo in golaha ammaanka la horgeeyo 15-ka bishan May. Qaraarkan ayaa ujeedkiisu yahay in miisaaniyadda ku baxeysa ciidanka AUSSOM lagu maalgeliyo sanduuqa Qaramada Midoobay, si loo helo dhaqaale deggan oo joogto ah.

Midowga Yurub ayaa ballan qaaday in ay bixiyaan $60 milyan oo kamid ah $120 milyan ee guud ahaan loo baahan yahay si loo maalgeliyo hawlgalka AUSSOM ee afarta sano ee soo socota. Waxaa sidoo kale la soo jeediyay in shirweyne caalami ah oo lagu qabanayo dalka Qatar lagu abaabulo, si loogu helo taageero dhaqaale oo dheeri ah.

Waxaa la filayaa in kulanka Golaha Ammaanka ee 15-ka May uu noqdo mid go’aanno muhiim ah ka soo baxaan, balse waxa muuqata in khilaafka u dhexeeya waddamada waaweyn ee xubnaha joogtada ka ah Golaha Ammaanka, sida Mareykanka, uu caqabad ku noqon karo qorshaha lagu taageerayo ciidamada AUSSOM ee Soomaaliya

WARARKII KALE

Muqdisho oo maanta martigelineysa Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka furmaya Shirweynaha Madasha...

Xisbiga garabka fog ee Jarmalka oo guul weyn ka gaaray gobolka bariga

Xisbiga AfD ee Jarmalka ayaa guul weyn ka gaaray...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Gedo:’Muxuu daaran yahay Safarka Taliyaha Ciidanka Lugta ee ku tagay Baardheere?

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka...

Soomaaliya oo si adag u Cambaareysay soo noqoshada Burcad-badeedda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay soo...

DFS oo shaacisay magacyada xubnihii Al-shabaab ee lagu dilay Howlgalkii Buula-Fulaay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles