Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay duleedka degmada Cadale

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Koogaar (oo sidoo kale loo yaqaan Burdheere) ee degmada Cadalle ayaa sheegaya in saaka waaberigii ay maleeshiyaad hubeysan dileen laba qof oo shacab ah, kuwaasoo midkood ka shaqeynayay shir isgaarsiineed oo ku taala  deegaanka, halka midka kale uu ka shaqeynayay ceel-biyood ku yaalla isla deegaankaasi.

Goob-joogayaal ku sugan Koogaar ayaa xaqiijiyay in ragga dilka geystay ay kasoo jeedaan isla degmada Cadalle, ayna goobta ka baxsadeen kadib marka ay fuliyeen falkaasi dilka ah. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ay cabsi ka qabaan in uu hurin karo xiisad beeleed.

Labada Qof ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Fanax Macalin Xabeeb iyo Muxudiin Caraale.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhowr maalmood ka hor isla duleedka degmada Cadalle lagu dilay darawal waday gaari noha ah, kaasoo la sheegay in ay toogteen maleeshiyaad hubeysan oo iyaguna kasoo jeeda Cadalle. Falkaas ayaa sidoo kale abuuray walaac iyo cabsi xooggan oo ku wajahay dadka shacabka ah.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Cadalle ama hay’adaha ammaanka ee heer gobol iyo heer federaal oo ku saabsan dhacdooyinkan is-daba-joogga ah ee dilalka loo geysanayo shacabka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles