Wednesday, July 22, 2026

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay duleedka degmada Cadale

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Koogaar (oo sidoo kale loo yaqaan Burdheere) ee degmada Cadalle ayaa sheegaya in saaka waaberigii ay maleeshiyaad hubeysan dileen laba qof oo shacab ah, kuwaasoo midkood ka shaqeynayay shir isgaarsiineed oo ku taala  deegaanka, halka midka kale uu ka shaqeynayay ceel-biyood ku yaalla isla deegaankaasi.

Goob-joogayaal ku sugan Koogaar ayaa xaqiijiyay in ragga dilka geystay ay kasoo jeedaan isla degmada Cadalle, ayna goobta ka baxsadeen kadib marka ay fuliyeen falkaasi dilka ah. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ay cabsi ka qabaan in uu hurin karo xiisad beeleed.

Labada Qof ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Fanax Macalin Xabeeb iyo Muxudiin Caraale.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhowr maalmood ka hor isla duleedka degmada Cadalle lagu dilay darawal waday gaari noha ah, kaasoo la sheegay in ay toogteen maleeshiyaad hubeysan oo iyaguna kasoo jeeda Cadalle. Falkaas ayaa sidoo kale abuuray walaac iyo cabsi xooggan oo ku wajahay dadka shacabka ah.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Cadalle ama hay’adaha ammaanka ee heer gobol iyo heer federaal oo ku saabsan dhacdooyinkan is-daba-joogga ah ee dilalka loo geysanayo shacabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dad ka ganacsada carruurta yaryar oo xukunno lagu riday

Sagaal iyo toban qof ayaa dalka Indonesia lagu helay...

Ruushka oo gantaallo ku riday meel u dhow dalka Ingiriiska iyo UK oo dhaqdhaqaaqyo bilowday

Markab dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa sameeyay tijaabooyin lagu...

Mareykanka oo Iiraan kala kulmaya weerarro khasaare badan gaustay

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in ku...

Dowladda Kuweyt oo qiratay in xaruumo ay Iiraan ka wareertay

Dowladda Kuweyt ayaa xaqiijisay in warshaddeeda biyaha iyo xarunteeda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles