Wednesday, July 2, 2025

Maxaa looga hadli doonaa kulanka Golaha shacabka ee maanta?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa, kaasi oo ajandihiisu yahay akhrinta koowaad ee Heshiiska lagu dhisay Urur Goboleedka Horumarinta (IGAD).

Kulankan ayaa imaanaya kadib markii ay baaqdeen laba fadhi oo xiriir ah kuwaasi oo aan u qabsoomin sababo la xiriira kooram la’aan iyo Xildhibaanada oo waayey wado ay usoo maraan Xarunta Golaha kadib markii daadad ka dhashay Roob xoogan oo ka da’ay muqdisho ay jareej Wadooyin muhiim u ah isku socodka Caasimada.

Maanta ayaa la filayaa in kulanka uu si rasmi ah u furmo iyadoo mudanayaashu ay ka doodi doonaan heshiiska muhiimka ah ee IGAD oo saldhig u ah iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

Heshiiska IGAD, oo ah mid lagu aas-aasay iskaashi dhanka horumarinta, nabadda, iyo xasiloonida gobolka, ayaa u baahan in Baarlamaanka Soomaaliya uu u ansixiyo si rasmi ah si Soomaaliya uga mid noqoto dalalka sida buuxda uga faa’iideysta barnaamijyada iyo mashaariicda ururkaasi.

Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in ay akhristaan qodobada heshiiska, isla markaana ay bilaabaan falanqeyn hordhac ah oo ku saabsan saameynta uu ku yeelan karo danaha qaranka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha siyaasadda gobolka.

Kulanka maanta ayaa ah mid si weyn loo sugayay, iyadoo shacabka iyo daneeyeyaasha siyaasadeed ee dalka ay indhaha ku hayaan sida uu Baarlamaanku uga falceliyo heshiiska IGAD iyo doorka Soomaaliya ee ururkaasi.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles