Thursday, February 26, 2026

Maxaa looga hadli doonaa kulanka Golaha shacabka ee maanta?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa, kaasi oo ajandihiisu yahay akhrinta koowaad ee Heshiiska lagu dhisay Urur Goboleedka Horumarinta (IGAD).

Kulankan ayaa imaanaya kadib markii ay baaqdeen laba fadhi oo xiriir ah kuwaasi oo aan u qabsoomin sababo la xiriira kooram la’aan iyo Xildhibaanada oo waayey wado ay usoo maraan Xarunta Golaha kadib markii daadad ka dhashay Roob xoogan oo ka da’ay muqdisho ay jareej Wadooyin muhiim u ah isku socodka Caasimada.

Maanta ayaa la filayaa in kulanka uu si rasmi ah u furmo iyadoo mudanayaashu ay ka doodi doonaan heshiiska muhiimka ah ee IGAD oo saldhig u ah iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

Heshiiska IGAD, oo ah mid lagu aas-aasay iskaashi dhanka horumarinta, nabadda, iyo xasiloonida gobolka, ayaa u baahan in Baarlamaanka Soomaaliya uu u ansixiyo si rasmi ah si Soomaaliya uga mid noqoto dalalka sida buuxda uga faa’iideysta barnaamijyada iyo mashaariicda ururkaasi.

Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in ay akhristaan qodobada heshiiska, isla markaana ay bilaabaan falanqeyn hordhac ah oo ku saabsan saameynta uu ku yeelan karo danaha qaranka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha siyaasadda gobolka.

Kulanka maanta ayaa ah mid si weyn loo sugayay, iyadoo shacabka iyo daneeyeyaasha siyaasadeed ee dalka ay indhaha ku hayaan sida uu Baarlamaanku uga falceliyo heshiiska IGAD iyo doorka Soomaaliya ee ururkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Israa’iil oo yimid dal Soomaaliya daris la ah

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa Arbacada saaka ah yimid...

Baarlamanka oo maanta loo qeybinayo cutubyadii ugu dambeeyay ee Dastuurka

Xildhibaannada labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare...

Trump oo markale weerar afka ah ku qaaday Ilhan Cumar iyo Soomaalida

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo khudbad u jeedinaya Congress-ka,...

Madaxweynaha Soomaaliland oo dhawaan la filayo inuu tago Israa’iil

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa dabayaaqada bisha Maarso...

Soomaaliya iyo Kasakhstan oo iska kaashanaya sahminta Shidaalka

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Kazakhstan danjire...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles