Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis ku saabsan maalgasha beeraha

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan ku saxiixay heshiis is-afgarad (MoU) wada shaqeyn ah, isagoo heshiiska la saxiixday Wasiirka Beeraha ee Azerbaijan, Mudane Majnun Mammadov.

Heshiiskan ayaa xoogga saaraya iskaashi ballaaran oo ku saabsan maalgashiga beeraha, is-weydaarsiga hababka casriga ah ee waraabka iyo danabeynta, horumarinta cilmi-baarista, iyo wada shaqeynta ganacsatada ku hawlan wax-soosaarka beeraha ee labada dal.

Is-afgaradkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee lagu horumarinayo wax-soosaarka gudaha, iyadoo la kaashanayo teknoolojiyad casri ah iyo khibrado caalami ah. Azerbaijan oo hormuud ka ah horumarka tiknoolajiyadda beeraha ayaa laga rajeynayaa inuu noqdo lamaane istiraatiiji ah oo beeraleyda Soomaaliyeed wax weyn ka faa’iideysan doonaan.

Ugu dambeyn, Wasiirka iyo wafdigiisa waxay booqdeen xarumaha cilmi-baarista beeraha iyo machadyada tiknoolajiyadda la xiriira cilmiga carada iyo kiimikada beeraha ee dalka Azerbaijan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo Qaahira ku shiraya

Waxaa maanta magaalada Qaahira ka furmaya shirka Wasiirrada Arrimaha...

Wada-hadallo lagu mideynayo mucaaradka oo u socda Deni, Farmaajo, Khayre, Cumar Cabdirashiid iyo CCW

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallo hoose ay...

DFS oo raalligelin ka Bixisay dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles