Puntland oo Beesha Caalamka ugu baaqday in laga qeyb geliyo Barnaamijka Xasilinta Soomaaliya

Maamulka Puntland oo baaq deg deg ah u dirtay Beesha Caalamka ayaa ka dalbatay in laga qeyb geliyo barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya, ee ay maalgeliyaan hay’adaha daneeya nabadda iyo Xasilinta dalka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayay ku dalbatay in Puntland laga qeyb geliyo barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya oo ay hadda ka maqan tahay, maadaama ay baahi weyni ka jirto degaannada Calmiskaad ee laga xoreeyay argagixisada ISIS iyo sidoo kale degaannada Calmadow ee qorshaysan in laga saaro argagixisada AS.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Beesha caalamka, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee daneeya arrimaha nabadda iyo xasilinta Soomaaliya in dawladda Puntland laga qaybgeliyo barnaamijyada xasilinta ee ay hadda ka maqantahay, maadaama ay baahi-weyn ka jirto deegaanada Cal-miskaad ee argagixisada laga horeeyey iyo kuwa qorshaysan ee Calmadow” ayay dalbatay Puntland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

Diyaarado dagaal oo duqeyn ka fuliyay duleedka Afmadow

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay duleedka...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta oo Qaahira ku shiraya

Waxaa maanta magaalada Qaahira ka furmaya shirka Wasiirrada Arrimaha...

Wada-hadallo lagu mideynayo mucaaradka oo u socda Deni, Farmaajo, Khayre, Cumar Cabdirashiid iyo CCW

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallo hoose ay...

DFS oo raalligelin ka Bixisay dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles