Puntland oo Beesha Caalamka ugu baaqday in laga qeyb geliyo Barnaamijka Xasilinta Soomaaliya

Maamulka Puntland oo baaq deg deg ah u dirtay Beesha Caalamka ayaa ka dalbatay in laga qeyb geliyo barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya, ee ay maalgeliyaan hay’adaha daneeya nabadda iyo Xasilinta dalka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayay ku dalbatay in Puntland laga qeyb geliyo barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya oo ay hadda ka maqan tahay, maadaama ay baahi weyni ka jirto degaannada Calmiskaad ee laga xoreeyay argagixisada ISIS iyo sidoo kale degaannada Calmadow ee qorshaysan in laga saaro argagixisada AS.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Beesha caalamka, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee daneeya arrimaha nabadda iyo xasilinta Soomaaliya in dawladda Puntland laga qaybgeliyo barnaamijyada xasilinta ee ay hadda ka maqantahay, maadaama ay baahi-weyn ka jirto deegaanada Cal-miskaad ee argagixisada laga horeeyey iyo kuwa qorshaysan ee Calmadow” ayay dalbatay Puntland.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles