Tuesday, November 11, 2025

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis ku saabsan maalgasha beeraha

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan ku saxiixay heshiis is-afgarad (MoU) wada shaqeyn ah, isagoo heshiiska la saxiixday Wasiirka Beeraha ee Azerbaijan, Mudane Majnun Mammadov.

Heshiiskan ayaa xoogga saaraya iskaashi ballaaran oo ku saabsan maalgashiga beeraha, is-weydaarsiga hababka casriga ah ee waraabka iyo danabeynta, horumarinta cilmi-baarista, iyo wada shaqeynta ganacsatada ku hawlan wax-soosaarka beeraha ee labada dal.

Is-afgaradkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee lagu horumarinayo wax-soosaarka gudaha, iyadoo la kaashanayo teknoolojiyad casri ah iyo khibrado caalami ah. Azerbaijan oo hormuud ka ah horumarka tiknoolajiyadda beeraha ayaa laga rajeynayaa inuu noqdo lamaane istiraatiiji ah oo beeraleyda Soomaaliyeed wax weyn ka faa’iideysan doonaan.

Ugu dambeyn, Wasiirka iyo wafdigiisa waxay booqdeen xarumaha cilmi-baarista beeraha iyo machadyada tiknoolajiyadda la xiriira cilmiga carada iyo kiimikada beeraha ee dalka Azerbaijan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Rag ku eedeysan Ninkii lagu gubay Wanlaweyn oo gacanta lagu soo dhigay

Taliyaha ciidanka Dhulka Sareeye Guute Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa...

Duqa Muqdisho oo qaabilay taliyaha hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Jen Marco Manzone

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Golaha Shacabka oo ansixiyay qaraar ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado Maalin Qaran

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Cabdinaasir Saxansaxo oo loo magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Isbeddel lagu sameeyay qaar ka mida maalmaha fasaxa rasmiga ee Suuriya iyo khilaaf xooggan oo ka taagan

Wareegta cusub ayaa muran iyo khilaaf xooggan ka dhalisay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles