Galmudug oo ka hadashay hubkii gacanta u galay reer Caabudwaaq

Gaadiid hub tiro badan waday kana yimid dhinaca dalka Itoobiya ayaa shalay lagu weeraray deegaan duleedka ka ah degmada Caabudwaaq, waxaana hubkaasi markii dambe gacanta ku dhigay oo boobay maleeshiyaadkii hubeysnaa iyo dad shacab ah.

Hubkan iyo gaadiidkii waday oon ilaa hadda la ogeyn cidda iska leh ayaa gacanta u galay maleeshiyaad iyo shacab kasoo jeeda degmada Caabudwaaq, waxaana laga adkaaday ciidamo katirsan dowladda oo ilaalo u ahaa hubka maleeshiyaadka la wareegeen.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Galmudug ,Cali Baashi Cabdullaahi Cigaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heleen xogta gaadiid waa weyn oo waday hub kala duwan gacanta u galeen dadka deegaanka Caabudwaaq.

Waxa uu sheegay wasiirka in maleeshiyadaka deegaanka heleen xogta baabuurta hubka siday oo markii hore loogu sheegay in ay wadaan teendhooyin, waxa uuna xusay in dagaal dhax maray ciidamo gaadiidka ilaalinayay iyo maleeshiyaadka kaddib la boobay hubkii gaadiidka saarnaa.

Cali Baashi ayaa sheegay in maamulka Galmudug hadda bilaabeen baaritaanno ku aadan hubkan gacanta u galay maleeshiyaadka Caabudwaaq kasoo jeeda halka uu ka yimid , halka uu ku socday iyo waliba cidda iska laheyd hubkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in walaac xooggan ka qabaan maamul ahaan hubka sida fudud dadka shacabka ah gacanta ugu galay, waxa uuna xusay in muddooyinkii dambe ay jireen dagaallo qabiil salka ku hayay oo ka dhacayay deegaanno hoostaga Caabudwaaq.

Hubka la boobay gacantana u galay dadka shacabka ah ayaa la sheegay in ay u badan yihiin qoryaha loo yaqaan AK-47 iyo sidoo kale biskoolado, waxaa sidoo kale la sheegay in ay ku jiraan hub kale oo ay kamid yihiin qoryaha loo yaqaan dabajeexa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles