Friday, February 27, 2026

MW Deni oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, kana hadlay xisbiga Cusub

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay mowqifka Puntland ee diidmada ka qeybgalka madashii siyaasadeed ee ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo ay kasoo qayb galeen qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Deni ayaa sheegay in sababta Puntland uga hartay madashaasi ay ahayd in ay ahayd goob si toos ah loogu burburinayay Jubbaland, taasoo uu ku tilmaamay qorshe lagu wiiqayo maamul goboleedyada Soomaaliyeed ee xoriyada iyo madax-bannaanida leh.

Madaxweynaha Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhisay urur cusub oo siyaasadeed, iyadoo ay garab taagan yihiin madaxda maamul-goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed. Wuxuu ku tilmaamay ururkaas “dadcunimo siyaasadeed” oo halis gelinaysa midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay waddadii dhismaha dowladnimada ay ka weecatay, isla markaana loo baahan yahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu muujiyo garasho siyaasadeed si dalka looga badbaadiyo burbur siyaasadeed iyo jahawareer hor leh.

Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u muujiyay walaac ballaaran oo ku aaddan isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka socda, waxayna dalbadeen wada hadal qaran oo loo dhan yahay, si loo dejiyo khilaafaadka taagan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo la kulmay hoggaanka ururrada siyaasadda ee ka qeybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee G/Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan...

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland?

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta guddoomiyay...

Baarlamaanka oo dhameystiray dooda wax ka badelka Dastuurka

Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Madaxweyne Geelle oo Cambaareeyay Saldhigga Israa’iil ee Berbera

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maqaal uu dhawaan...

Israa’iil oo aqbashay in Safiirka ay Somaliland u magacowday dalkeeda

Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay inay aqbashay in Dr. Maxamed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles