Madaxweynaha Mareykanka oo Riyaadh kula kulmay dhiggiisa dalka Suuriya

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mudane Donald Trump ayaa magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga kula kulmay dhiggiisa dalka Suuriya, Axmed Sharac, kuwaas oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Kulanka labada Madaxweyne waxaa goobjoog ka ahaa dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, halka uu Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan uu habka foggaan-arag ah kulanka uga qeybgalay.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Mudane Donald J. Trump ayaa shalay ku dhawaaqay in Suuriya uu ka qaaday cunaqabateyntii la saaray xiligii Madaxweynahii hore ee dalkaasi Bishaar Al-asad, taas oo culeys badan ku haysay dowladda cusub ee Madaxweyne Axmed Sharac.

Ka qaadista cunaqabateyntan ayaa albaabo badan oo maalgashi ah u fureyso dowladda cusub ee dalka Suuriya, iyadoo dowladda Qatar horay u sheegtay inay bixineyso miisaaniyadda Dowladda cusub ee Madaxweyne Axmed Sharac taas oo muhiim u ah horumarka dowladnimada dalkaasi.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles