MW Deni oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, kana hadlay xisbiga Cusub

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay mowqifka Puntland ee diidmada ka qeybgalka madashii siyaasadeed ee ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo ay kasoo qayb galeen qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Deni ayaa sheegay in sababta Puntland uga hartay madashaasi ay ahayd in ay ahayd goob si toos ah loogu burburinayay Jubbaland, taasoo uu ku tilmaamay qorshe lagu wiiqayo maamul goboleedyada Soomaaliyeed ee xoriyada iyo madax-bannaanida leh.

Madaxweynaha Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhisay urur cusub oo siyaasadeed, iyadoo ay garab taagan yihiin madaxda maamul-goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed. Wuxuu ku tilmaamay ururkaas “dadcunimo siyaasadeed” oo halis gelinaysa midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay waddadii dhismaha dowladnimada ay ka weecatay, isla markaana loo baahan yahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu muujiyo garasho siyaasadeed si dalka looga badbaadiyo burbur siyaasadeed iyo jahawareer hor leh.

Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u muujiyay walaac ballaaran oo ku aaddan isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka socda, waxayna dalbadeen wada hadal qaran oo loo dhan yahay, si loo dejiyo khilaafaadka taagan.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles