Jubbaland”Dalku wuxuu ku jiraa xaalad halis ah iyo kaligiitalisnimo”

Maamulka Jubbaland ayaa ugu yeeray dhammaan umadda Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay u badbaadin lahaayeen dalka iyo dowladnimada xilligaan kajirta Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in ururkii lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho ay muujinayso in madaxtooyadu isku diyaarinayso xukun kagigiis talisnimo, xilli dalku wajahayo xaalad ammaan xumo oo aad u liidata.

Jubbaland waxay ku baaqday in dhammaan saamileyda siyaasadda, bulshada rayidka ah, iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ay si wadajir ah u istaagaan si loo badbaadiyo dowladnimada curdanka ah ee dalka.

“Haddii aan maanta wax laga qaban, rajada shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada nabadeed ee dalkeenna waxaa la gelinayaa god dheer,” ayay raacisay Jubbaland.Jubbaland waxay sidoo kale la hadashay beesha caalamka iyo saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya:

“Maanta maalin ay shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin garab istaag dhab ah, waa in laga hortagaa kooxaha raba in ay waddada saxda ah ka leexiyaan dalka,” ayay tiri Jubbaland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles