Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta, intii lagu guda jiray xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, taas oo dib-u-dhis lagu sameyn doono, iyadoo dhismaha loo naqshadeeyay qaab casri ah.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa Madaxweynaha ku wehliyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Dhismahan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta adeegyada ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed, kor u qaadista kaabeyaasha isboortiga, iyo xoojinta doorka muhiimka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles