Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax-dhigay dhismaha cusub ee xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta, intii lagu guda jiray xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee xarunta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, taas oo dib-u-dhis lagu sameyn doono, iyadoo dhismaha loo naqshadeeyay qaab casri ah.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa Madaxweynaha ku wehliyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Dhismahan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto horumarinta adeegyada ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed, kor u qaadista kaabeyaasha isboortiga, iyo xoojinta doorka muhiimka ah ee dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka dalka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles