Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Heshiis dhinaca Milatariga ah oo Soomaaliya iyo Sacuudiga dhex maray

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana kulanka guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirradu waxa ay ansixiyeen heshiis is-afgarad dhinaca milatariga iyo amniga ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Heshiiskan ayaa golaha usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidoo kale, shirka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda guud ee amniga dalka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyo warbixin ku saabsan diyaar garowga Xajka sannadkan. Guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro Khawaarijta ayaa isna bixiyay warbixin la xiriirta hawlgallada socda iyo taageerada loo fidinayo ciidamada.

Xukuumaddu waxay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada amniga iyo difaaca, iyo sidoo kale horumarinta howlgalka dalka looga xoreynayo AS.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles