Wabiga Shabelle oo Ka Fatahay Magalada Jowhar

Waxaa meel gabagabo ah maraya xiritaanka buq ka baxday tuulada Baareey oo ka tirsan degmada Jowhar.

Dadaalo ay sameeyeen maamulka gobolka kan degmada iyo shacabka ku nool tuulada Baarey ayaa suurtogeliyay in inta badan biyihii ka baxayay buqda la xakameeyo.

Guddoomiyaha tuulada baarey ayaa u sheegtay radio jowhar in uu rajo weyn ka qabo in caawa la soo gabagabeeyo xiritaanka buqda xalay ka baxday deegaanka Baareey.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow iyo Guddoomiyaha  Degmada Jowhar ahna Duqa Magaalada Cismaan Maxamed Muqtaar Baareey, ayaa maanta gaaray Tuulada Baarey oo wabiga Shabelle kasameeyay fatahaad oo saameyn kuyeelatay dadka deegaanka.

Booqashada mas’uuliyiintan ay ku tageen deegaanka Baareey ayaa waxa ay salka ku haysay sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen heerka ay gaarsiisan tahay baaxada buqda xalay ka baxday deegaanka Baareey.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka shabelaha dhexe uu ugu horeeyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda maxamed cabdi Sheekh iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar    ayaa maanta oo dhan ku sugnaa buqda baareey iyagoo ka qeybqaadanayay sidii loo xiri lahaa buqdan.

Ugu danbeyn mas’uuliyiinta Maamulka gobolka iyo kan degmada jowhar ayaa u Mahadceliyay dadka deegaanka Baarey sida ay isu xilqaameen oo ay  ugu dadaaleen in lagu guuleysto in inta badan buqda la xiro.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles