Puntland oo amar ku bixisay in kaamirooyinka lagu xiro goobaha ganacsiga ee Garoowe

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa  sheegay in magaalada Garowe laga hirgelinayo nidaam kaamirooyin CCTV ah oo lagu xoojinayo sugidda amniga.

Madaxweyne ku-xigeenku ayaa tilmaamay in muhiimad weyn loo arkay kaddib markii kaamirooyinku gacan ka geysteen qabashada dad loo haysto dambiyo culus oo ay kamid yihiin kufsi iyo dil, iyadoo la adeegsanayo muuqaallo ay duubeen kaamirooyinkaas.

“Waxaan amarnay in Hay’adaha dowladda, goobaha ganacsiga iyo waddooyinka muhiimka ah dhammaan lageliyo Camerooyinka, si ay u caawiyaan Hay’adaha kala duwan ee ammaanka”, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay maamulka degmada Garoowe inuu qaar kamid ah waddooyinka ku xiray Cameradaha ammaanka oo lagu soo helay xogta laba kays oo magaalada ka dhacay bilihii ugu dambeeyey.

“Waxaa markhaanti ka tihiin in labadii kiis ee ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada oo dil iyo kufsi ahaa raadkooda laga soo helay cameradaha lagu xiray waddooyin iyo goobo ganacsi”, Ayuu yiri Markale Madaxweyne Lugatoor.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles