Puntland oo amar ku bixisay in kaamirooyinka lagu xiro goobaha ganacsiga ee Garoowe

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa  sheegay in magaalada Garowe laga hirgelinayo nidaam kaamirooyin CCTV ah oo lagu xoojinayo sugidda amniga.

Madaxweyne ku-xigeenku ayaa tilmaamay in muhiimad weyn loo arkay kaddib markii kaamirooyinku gacan ka geysteen qabashada dad loo haysto dambiyo culus oo ay kamid yihiin kufsi iyo dil, iyadoo la adeegsanayo muuqaallo ay duubeen kaamirooyinkaas.

“Waxaan amarnay in Hay’adaha dowladda, goobaha ganacsiga iyo waddooyinka muhiimka ah dhammaan lageliyo Camerooyinka, si ay u caawiyaan Hay’adaha kala duwan ee ammaanka”, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay maamulka degmada Garoowe inuu qaar kamid ah waddooyinka ku xiray Cameradaha ammaanka oo lagu soo helay xogta laba kays oo magaalada ka dhacay bilihii ugu dambeeyey.

“Waxaa markhaanti ka tihiin in labadii kiis ee ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada oo dil iyo kufsi ahaa raadkooda laga soo helay cameradaha lagu xiray waddooyin iyo goobo ganacsi”, Ayuu yiri Markale Madaxweyne Lugatoor.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles