Wednesday, June 24, 2026

Ciidanka NISA oo xalay dilay Sargaal qorsheeyay weeraro ka dhacay Muqdisho

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen deegaanka Sabiid ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxa ay ku dileen Horjooge sare oo Al Shabaab u qaabilsanaa qorsheynta weerarradii Hoobiyeyaasha ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo, sanadkii 2023.

Ciidanka NISA oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa Horjoogahan ayaa Howlgalka fuliyay, kadib markii la hubiyay xogta ku saabsan Horjoogaha, iyada oo la xaqiijiyay in isla goobta lagu khaarijiyay dhammaan Maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa.

Dhinaca kale, ilaa 6 howlgal oo duqeyn ah oo shalay galab ilaa xalay ay ciidanka NISA ka fuliyeen deegaanka Ceel-hareeri ee Gobolka Hiiraan, ayaa lagu dilay 46 Khawaarij ah oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, kuwaas oo lagu beegsaday goob ay gabbaad ka dhiganayeen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa kor u qaadday howlgallada qorsheysan ee lagu beegsanayo Khawaarijta, xili Taliyaha guud ee Hay’adda uu ku sugan yahay deegaannada hawlgalladu ay ka socdaan.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles