Wednesday, July 30, 2025

Shaqaale Israa’iiliyiin ah oo lagu toogtay Washington

Laba shaqaale oo ka tirsan safaaradda Israa’iil ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa xalay lagu toogtay meel u dhow matxafka yahuudda oo ku yaala magaaladaas.

Labada qof ee Israa’iiliyiinta ahaa lammaane, ayaa la toogtay xili ay ka soo baxayeen xaflad ka dhaceysay madxafka oo looga hadlayay sida loo caawin lahaa dadka reer Qasa, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaaladaas.

Waxaa gacanta lagu soo dhigay nin looga shakisanyahay inuu ka dambeeyay dilka, kaas oo lagu sheegay Elias Rodriguez oo 30 sano jir ah.

Weerarka ayaa dhacay markii labada shaqaale ay ka soo baxayeen munaasabad ay soo qabanqaabisay Guddiga Yuhuudda ee Maraykanka (AJC). Dadka la dilay waxaa la sheegay inay ahaayeen lammaane dhalinyaro ah oo qorsheynayay inay is guursadaan.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka hadlay labada qof ee ka tirsanaa safaaradda Israa’iil, kuwaas oo lagu toogtay meel u dhow madxafka Israa’iil ee magaalada Washington.

Trump ayaa cambaareeyay dhacdada, wuxuuna sheegay in toogashadan tahay “mid aad u murugo leh” isla markaana si cad ugu saleysan “nacaybka yahuudda”.

“Nacaybka iyo xagjirnimada boos kuma laha gudaha Mareykanka.” ayuu Trump ku yiri qoraal uu so dhigay Social truth, oo ah barta uu aasaasay.

Waxaa uu dhanka kalena tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha falkaas

Labada qof ee la dilay ayaa ahaa lammaane qorsheynayay inay is guursadaan.

WARARKII KALE

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

Qoysas hor leh oo ka barakacay dagaalka Beledxaawo oo gaaray Magaalada Mandheere

Warbaahinta deegaanka Mandheera ayaa baahisay in saacadihii la soo...

Waa sidee saaka xaalada Beledxaawo, kadib dagaalkii shalay

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay...

Mareykanka iyo Iran oo hanjabaad hawada isku mariyay

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi oo u...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 29/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil iyo Madaxweyne Putin oo ka wada-hadlay arrimaha Iran

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la hadlay madaxweynaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles