Tuesday, June 23, 2026

Netanyahu oo eedeyn u jeediyay dalalka diiday weerarka Gaza

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah xulafadiisa ugu dhow in ay la safteen Xamaas kadib markii ay dhaliileen sida Israa’iil

Bayaan wadajir ah oo ay horaantii toddobaadkan soo saareen Ingiriiska, Faransiiska iyo Kanada ayaa lagu sheegay in howlgallada milatari ee Israa’iil ka waddo Qasa ay yihiin kuwo aan miisaaneysnayn, ayna tahay wax laga xumaado oo aan la aqbali karin in shacabka rayidka ah laga hor istaago gargaar bini’aadantinimo oo muhiim ah.

Mr. Netanyahu ayaa ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha saddexdaas dal inay doonayaan in Xamaas ay sii haysato awoodda, wuxuuna sheegay in bayaankooda uu dhiirrigelin u noqday kooxdaas.

Hoggaamiyaha Israa’iil ayaa wajahaya dhaleecayn isa soo taraysa gudaha dalka iyo dibaddaba, taasoo ku saabsan dagaalka ka socda Qasa iyo xayiraadda adag ee Israa’iil saartay gargaarka la geeyo dhulkaas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles