Tuesday, March 3, 2026

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Kulan Miro-dhal ah la qaatay Dhiggiisa Dalka Algeria

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa Wasiirka Maaliyadda Dalka Algeria Mr. Abdelkrim Bouzred oo sidoo kale ah shir-gudooonka kulamada shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka.

Kulanka labada Wasiir oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya ee Dalka Algeria iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo iskaashiga arrimaha dhaqalaalaha, maadaama Dowladda Algeria ay ka mid aheyd xubnihii ka qeyb qaatay hannaankii deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa dhiggiisa Algeria warbixin buuxda ka siiyay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha horumarineed ee la doonayo in lagu maalgaliyo mashaariicda waxtarka u leh bulshada Soomaaliyeed.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles