Wednesday, June 17, 2026

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo kulamo gaar gaar ah ka bilaabay Muqdisho

Siyaasiyiinta mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo ka socda magaalada Muqdisho, kuwaas oo hordhac u ah shir ballaaran oo lagu wado in uu todobaadka soo socda ka dhaco caasimadda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo Ra’iisul Wasaareyaashii hore  ee dalka Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka mid ah siyaasiyiinta saaka gaaray xarunta Macallin Nuur oo martiqaad rasmi ah loogu sameeyay.

Kulammadan ayaa lagu sheegay kuwo is xogwareysi ah, is-faham iyo isku dubbarid siyaasadeed u ah madaxda mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in kulammada lagu lafa gurayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka, amniga, iyo doorka mucaaradka ee hanaanka siyaasadeed ee haatan socda.

Waxaa la filayaa in shir weyn oo ay ka qeyb galayaan siyaasiyiin miisaan leh, xildhibaano hore iyo kuwa haatan jooga, iyo ururada bulshada rayidka uu todobaadka socda ka furmo Muqdisho.

Shirkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah mideynta mowqifka mucaaradka iyo inay la yimaadaan aragti mideysan oo ku aaddan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles