Siyaasiyiinta Mucaaradka oo kulamo gaar gaar ah ka bilaabay Muqdisho

Siyaasiyiinta mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo ka socda magaalada Muqdisho, kuwaas oo hordhac u ah shir ballaaran oo lagu wado in uu todobaadka soo socda ka dhaco caasimadda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyo Ra’iisul Wasaareyaashii hore  ee dalka Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka mid ah siyaasiyiinta saaka gaaray xarunta Macallin Nuur oo martiqaad rasmi ah loogu sameeyay.

Kulammadan ayaa lagu sheegay kuwo is xogwareysi ah, is-faham iyo isku dubbarid siyaasadeed u ah madaxda mucaaradka.

Wararka ayaa sheegaya in kulammada lagu lafa gurayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka, amniga, iyo doorka mucaaradka ee hanaanka siyaasadeed ee haatan socda.

Waxaa la filayaa in shir weyn oo ay ka qeyb galayaan siyaasiyiin miisaan leh, xildhibaano hore iyo kuwa haatan jooga, iyo ururada bulshada rayidka uu todobaadka socda ka furmo Muqdisho.

Shirkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah mideynta mowqifka mucaaradka iyo inay la yimaadaan aragti mideysan oo ku aaddan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles