Xukuumadda Soomaaliya oo digniin u dirtay Kalluumeysatada iyo dadka taga xeebaha dalka

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin culus oo ku saabsan halista ka dhalan karta kacsanaanta badda, kaddib markii ay soo baxeen warar muujinaya in baddu qaaday 9 qof oo dhalinyaro ah laba maalmood gudahood, iyadoo 5 kamid ah meydkooda la helay halka 4 kalena wali la la’yahay.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in xilligan la joogo uu yahay xilli badda si aad ah u kacsan tahay (Jiidmaal), taasoo sabab u noqon karta xaalado khatar ah oo halis gelin kara doomaha kalluumaysiga, kalluumeysatada iyo guud ahaan dadka ku sugan xeebaha dalka.

“Waxaan si gaar ah u digeynaa dhammaan doomaha yaryar ee ku hawlan kalluumaysiga iyo howlaha kale ee badda inaysan gelin badweynta inta lagu jiro xilligan kacsanaanta, maadaama khatarta ay keeni karaan mowjadaha xooggan iyo xaaladaha degdegga ah ee cimiladu ay sare u qaadayaan halista shilalka badda,” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu baaqday dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada, in ay ka fogaadaan xeebaha dalka, isla markaana aan lagu dhaqaaqin dabaal ama damaashaad xeebeed muddada lagu jiro xilligan khatarta ah. Waxay sheegtay in loo baahan yahay feejignaan dheeraad ah si looga hortago musiibooyinka naxdinta leh ee marar badan ka dhaca xeebaha dalka.

Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay weli socoto gurmadka lagu raadinayo afarta qof ee wali maqan, kuwaasoo qeyb ka ahaa koox dhalinyaro ah oo damaashaad u tagay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyn ugu baaqday hay’adaha amniga, maamulka gobolka Banaadir, iyo bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan laamaha gurmadka si loo xoojiyo tallaabooyinka ka hortagga iyo wacyigelinta la xiriirta badaha muddada lagu jiro xilliga kacsanaanta.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles