Geelle oo shaaciyay halista ay Imaaraadka carabta ku hayso dalalka Afrika

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si kulul u dhaliilay Dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ku eedeeyay inay maalgelinta ay ka wadaan Afrika u adeegsanayaan ujeeddooyin milatari oo daboolan.

Wareysi uu siiyay Idaacadda Radio France Internationale (RFI), Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay in ololeha $110 bilyan ee maalgashiga Imaaraadka ee Qaaradda Afrika uu yahay qorshe istiraatiiji ah oo lagu ballaarinayo saameynta ciidan iyadoo loo marayo horumarin dhaqaale oo muuqaal ahaan wanaagsan, balse dhab ahaantii halis ku ah madax-bannaanida Afrika. “Imaaraatigu waa kuwo si qoto dheer u wiiqaya gobolka,” ayuu yiri.

Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay in Dowladda Jabuuti ay horay u diiday codsi ay Imaaraadku ku doonayeen saldhig milatari oo laga siiyo dalkaas, taas beddelkeedana ay Imaaraadku ku wajheen dalal kale oo daris la ah, iyagoo bartilmaameedsanaya marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.

Wareysa Madaxweynaha ayaa banaanka keenaya walaac sii kordhaya oo ay dalal badan oo Afrikaan ahi ka qabaan ujeeddooyinka qarsoon ee maalgelinta Imaaraadka, gaar ahaan marka ay quseyso kaabeyaasha muhiimka ah sida dekedaha, isgaarsiinta, iyo adeegyada saadka.

Geelle ayaa sidoo kale xusay in “aysan jirin maalgashi aan la socon dano milatari,” isagoo xusay in arrintaasi khatar ku tahay xasilloonida iyo madax-bannaanida dalalka Afrika.

Dawladdaha Imaaraadka Carabta iyo Djbouti ayaan isku fiicneyn mudooyinkan ka dib markii ay Djabouti ay dalkeeda ka eriday Shirkadda DP World oo maalgashatay Dekedaha Djbouti.

maaraatka Carabta ayaa si weyn u ballaariyay saameyntiisa ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya, iyo Suudaan. Imaaraatka ayaa Soomaaliya markii lajoogo taageera maamulada kasoo horjeeda Dawladda Federaalka ah taas oo khatar ku ah midnimada Soomaaliya

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles