Ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka oo weerar ku qaaday deegaanka Aboorey ee G/Hiiraan

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda gobolka Hiiraan ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Abooreey, oo hoostaga degmada Buulo-burte,  ee Gobolkaasi.

Weerarka ayaa la sheegay in lagu dilay saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab, waxaa ayna gubeen gaadiid dagaal oo ay lahaayeen kooxda Al-shabaab.

Guddoomiyaha deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan Nuur Cilmi Cariif  oo wareysi siiyay Risaala Media ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay miinooyin ku aaseen wadooyinka gala deegaanka Aboorey, wuxuuna xusay in maalmaha soo aadan ay Al-shabaab ka saari doonaan deegaankaasi.

Deegaanka Aboorey ayaa waxaa ku sugan Maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoona ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ee G/Hiiraan ay wadaan Guluf xooggan oo ku doonayaan in ay dib ugu qabsadeen deegaankaasi.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles