Friday, May 1, 2026

Farmaajo oo ka hadlay dhalinyaradii ku geeriyootay Tahriibka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey Badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Spain, baaqna u diray DFS.

Qoraal uu soo saaray ayaa waxaa uu tacsi u diray ehelada ay ka geeriyoodeen dhalinyaradii ku dhimatay Tahriibka.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Farmaajo ayaa u qornaa sidan:-

Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaali’yeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalk’a Aljeeriya iyo Isbayn.

Dhacdadan xanuunka badan waxa ay muujinaysaa halista dhabta ah ee uu leeyahay tahriibka galaaftay nafta iyo mustaqbalka dayarteennii hantida u ahaa mustaqbalka dalka, lagana sugayey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samatabixin lahayeen dowladnimada, dadka iyo dalka.

Hoggaanka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxaan ugu baaqaya in ay xoogga saaraan barnaamijyada dhiirri-gelinta iyo awood-siinta dhallinyarada, lagana taxadaro tallaabooyinka dhaawacaya niyadda dhallinyarada oo ay ugu horreeyaan musuqmaasuqa, eexda, amni darrada iyo hubinti la’aanta siyaasadeed.

Dhallinyarada waxaan ku adkaynayaa in aysan naftooda tahluuko ku gelin safarro halis ah oo badankood ku dhammaanaya geeri iyo uur-kutaallo, ayna u jeestaan difaaca dadkooda iyo wax-soosaarka dalkooda. Waalidka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynayaa inay dayarta oo ah tacabkoodii iyo mustaqbalkii waddaanka ka xakameeyaan tahriibka noloshooda galaafan kara.

Ugu dambayn waxaan dowladda usoo jeedinayaa in ay tallaabooyin muuqda ka qaaddo qulqulka tahriibka oo ah masiibo qaran, lana xoojiyo wacyi gelinta dhallinyarada, iyadoo laga hortagayo shabakadaha iyo shakhsiyaadka ka ganacsanaya dhibaatadan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Uganda oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay...

Dagaalka Iran oo la sheegay inay sabab u tahay soo laabashada burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya

Warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa iftiimisay in xiisadda iyo...

Amniga Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay iyo xilli doorashooyin dhawaan la filayo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa wajahaysa xaalad...

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka oo hal arrin ka wadahadlay

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa kulan la...

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya, Bashiir...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles