Maxay ka wadahadleen Cirro iyo William Ruto?

Warsaxaafadeed ka soo haxay maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliland uu kulan la qaatay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

Qoraalka ka soo baxay Soomaaliland ayaa u qornaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Mudane Dr. William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim u ah labada dhinac, arrimahaasi waxa ka mid ahaa:

. Iskaashiga labada dal iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isu-socodka Diyaaradaha.

. Xoojinta Nabadda iyo Amniga Gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortagga xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika .

. Iskaashiga Waxbarashada, is-weydaarsiga tacliinta, awood-dhisidda hay’adaha Dawliga ah iyo kobcinta tababarka xirfadaha farsamada gacanta ee dhalinyarada.

Kulankaasi waxa uu ahaa mid ay labada hoggaamiye hoosta ka xarriiqeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Kenya, kaas oo ku qotoma taariikh fac weyn, is-ixtiraam, dano wadaag, iyo aragti midaysan oo ku wajahan horumarka iyo barwaaqada mandaqada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles