Weerar lagu qaaday fariisin ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan Galgaduud

Ciidamada Daraawiishta Maamulka Galmudug oo garab ka helaya ciidamo deegaanka ah ayaa xalay fuliyey weerar qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Ceel La Helay ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday ayaa lagu beegsaday saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas. Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, ciidamada huwanta ah ayaa gaarsiiyay khasaare xooggan Al-Shabaab, inkastoo aan weli la helin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee kooxda soo gaaray.

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya  in Al-Shabaab ay wadeen qorshayaal weerar ah, balse ciidamada Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa qaaday tallaabo ka hortag ah oo fashilisay qorshahooda.

Saraakiisha ammaanka ee Galmudug iyo hoggaanka deegaanka weli kama hadlin faahfaahinta rasmiga ah ee howlgalka iyo khasaaraha la gaarsiiyay Al-Shabaab. Ciidamada ayaa si nabad ah ugu laabtay saldhigyadoodii markii uu dhammaaday weerarka.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab, si loo sugo amniga deegaannada ka tirsan gobolka Galgaduud iyo guud ahaan Galmudug.

WARARKII KALE

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

Maraykanka oo Suuriya ka saaray liiskiisa dalalka taageera argagixisada

Maraykanka ayaa Suuriya ka saaray liiskiisa dalalka taageera argagixisada,...

Dowladda Soomaaliya oo Qorsheyneysa Saldhigyo Ciidan iyo Xarumo Drones

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in saddex magaalo oo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles