Wednesday, March 4, 2026

Turkiga oo sheegay inuu Soomaaliya ka taageeri doono amniga iyo dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip ErdoÄŸan.

Intii uu socday wadahadalkooda, labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga dadaallada miro-dhalka leh ee nabadeed iyo wada-hadalka la xiriira kooxda PKK, isaga oo sidoo kale bogaadiyey kaalinta muuqata ee Turkigu ku leeyahay taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Dhinaciisa, Madaxweyne ErdoÄŸan ayaa mar kale xaqiijiyey in Turkigu sii wadi doono taageerada uu u hayo Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarineed iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo adeegyada bulshada.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada Dhaqaalaha, Waxbarashada, Amniga, Tababarada iyo qalabeynta Ciidanka.

Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, iyada oo xiriirka ka dhexeeya labada dal uu sii xoogeysanayo sanadihii u dambeeyay.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles