Diyaarado dagaal oo xalay duqeyn ka fuliyay saldhigyo Daacish ay ku leeyihiin Gobolka Bari

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Mareykanka ayaa xalay duqeyn culus ka fuliyay meel u dhow Togga Miraale ee gobolka Bari, halkaas oo ay firxadeen xubno ka tirsan kooxda Daacish kadib markii ay ciidamada Puntland si buuxda ula wareegeen toggaasi.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Puntland ee ku sugan furimaha hore ayaa sheegay in ay maqleen jug xooggan oo ka dhacday dhanka koonfureed ee Miraale, halkaas oo la tuhunsan yahay in ay u firxadeen dagaalyahanno ka tirsan Daacish kuwaasoo laga saaray saldhigyadii muhiimka ahaa iyo ceelashii ay ku lahaayeen Togga Miraale.

Taliska u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee Puntland ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku xaqiijiyay duqeynta Mareykanku ay fuliyeen, isagoo xusay in beegsiga lagu bartilmaameedsaday firxadkii kooxda Daacish ee ku sii jeeday buuraleyda Calmiskaad.

“Qaar ka mid ah firxadkii Argagixisada ee ka cararay Togga Miraale, waxaa duqeeyay saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka, waxaana la beegsaday iyagoo cararaya meel koonfurta uga beegan Miraale,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Taliska.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles