Diyaarado dagaal oo xalay duqeyn ka fuliyay saldhigyo Daacish ay ku leeyihiin Gobolka Bari

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Mareykanka ayaa xalay duqeyn culus ka fuliyay meel u dhow Togga Miraale ee gobolka Bari, halkaas oo ay firxadeen xubno ka tirsan kooxda Daacish kadib markii ay ciidamada Puntland si buuxda ula wareegeen toggaasi.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Puntland ee ku sugan furimaha hore ayaa sheegay in ay maqleen jug xooggan oo ka dhacday dhanka koonfureed ee Miraale, halkaas oo la tuhunsan yahay in ay u firxadeen dagaalyahanno ka tirsan Daacish kuwaasoo laga saaray saldhigyadii muhiimka ahaa iyo ceelashii ay ku lahaayeen Togga Miraale.

Taliska u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee Puntland ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku xaqiijiyay duqeynta Mareykanku ay fuliyeen, isagoo xusay in beegsiga lagu bartilmaameedsaday firxadkii kooxda Daacish ee ku sii jeeday buuraleyda Calmiskaad.

“Qaar ka mid ah firxadkii Argagixisada ee ka cararay Togga Miraale, waxaa duqeeyay saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka, waxaana la beegsaday iyagoo cararaya meel koonfurta uga beegan Miraale,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Taliska.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles