Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka oo shuruudo adag ku xiray gogosha uu fidiyey MW Xasan Sheekh

Madasha Samata-bixinta Mucaaradka oo ay ku mideysan yihiin musharaxiinta Madaxweynaha ee mucaaradka ah, ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay gogosha siyaasadeed ee uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madashu waxa ay gogoshaas u aragtaa fursad muhiim u ah xasilinta iyo samata-bixinta dalka, balse waxa ay soo bandhigtay saddex shardi oo aas-aasi ah si wadahadalladaasi u noqdaan kuwo miro dhal ah:

  1. In la caddeeyo ajandaha iyo qodobada laga hadlayo, si loo helo hufnaan iyo is-aaminaad.
  2. In gogosha noqoto mid xal waara looga gaarayo khilaafka siyaasadeed ee taagan.
  3. In gogosha noqoto mid furan oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadeed, mucaarad iyo muxaafidba.

Madasha waxa ay mar kale adkeyneysaa go’aankeeda ah in ay u taagan tahay badbaadinta dalka, ilaalinta dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya. Waxa ay sidoo kale diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato wadahadal dhab ah oo horseedi kara midnimo qaran, nabad, iyo dowladnimo ku dhisan hufnaan iyo wada-tashi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles