Thursday, April 30, 2026

MW Xasan Sheekh oo qadka taleefoonka kula hadlay Amiirka Qatar

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qadka taleefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani

Labada mas’uul ayaa ka wadahadalay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iyo sidoo kale xaaladda Gobolka iyo Caalamka, sida uu shaaciyay Xafiisak Amiirka Dalka Qatar.

Wada hadalka ayaa yimid iyada oo Midowga Africa ay Amiirka Qatar ka dalbadeen in uu qabto shir dhaqaale loogu raadinayo howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.Qatar ayaa la wariyay in ay diiday martigalinta Shirka hadii aysan ka soo qaybgalayn deeqbixiyaasha. Maraykanka ayaa diiday in uu bixiyo lacagta howlgalka AU-da.

Sidoo kale shirkaan ayaa yimid Saacado ka dib wada hadalkii hogaanka Soomaaliya iyo Turkey oo markaan noqonaya xulufada sida ay wayn u taageerayo qorsha amniga Soomaaliya.

Bartamaha bishaan June Wasiirka difaaca Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku wajahan Qatar si uu ula kulmo Wasiirka difaaca iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Qatar si looga wada hadlo soo daabulida ku dhawaad 2000 oo saraakiil iyo Ciidamo Soomaali oo tababaro iyo waxbarasho milatari ku dhamaystay dalkaas.

Waa xiriirkii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh la sameeyo Madaxda Dalalka saameynta ku leh xaaladda Soomaaliya, kadib xiriirkii uu shalay la sameeyay MADAXWEYNAHA TURKIGA Recep Tayyip ErdoÄŸan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in horjooge sare iyo xubno kale lagu dilay G/Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaal iyo duqeymo ka...

Janan oo abaabul ciidan ka wada Beledxaawo

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Jubaland,...

Wafdi ka socda Q.M oo gaaray Baydhabo

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

Mucaaradka iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo ka sharaya arrimaha doorashooyinka

Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya...

Pakistan oo cadaadis diblumaasiyadeed saaraysa sii deynta badmaaxayaal lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Pakistan ayaa xoojisay dadaallada diblumaasiyadeed iyo kuwa badeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles