Dagaal xooggan oo ka socda Soohdinta Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe

Dagaal culus ayaa ka qarxay maanta meel ku dhow soohdinta u dhexeysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ismiidaamin ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah.

Weerarka ayaa billowday kadib markii gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu beegsaday saldhig ay ciidamada dowladda ku lahaayeen inta u dhaxeysa deegaannada Ceel Hareeri iyo Aadan Yabaal, Sida ay sheegayaan deegaanka ah, qaraxu wuxuu ka dhacay meel u dhow Ceel Hareeri, kahor inta uusan gaarin bartilmaameedkiisa rasmiga ah, iyadoo ay ciidamada ka hor tageen gaadiidkii qaraxa watay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa kadib uu billowday dagaal culus oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka culus iyo rasaas xoogan, iyadoo la maqlayay jugta madaafiic iyo rasaas socotay muddo saacado ah.

Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in dagaalka uu weli socdo islamarkaana labada dhinac ay qasaarooyin kala duwan kala kulmeen, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada dhimashada ama dhaawaca ilaa iyo hadda.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay tan iyo bilooyinkii la soo dhaafay wadeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada xuduudka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles