Thursday, April 30, 2026

Malaayiin Muslimiin ah oo ay ku jiraan Soomaali oo maanta taagan Banka Carafo

In ka badan 2 milyan oo xujey ah ayaa maanta isugu yimid Banka Carafo ee dhulka barakaysan ee Sacuudi Carabiya – taasoo ka mid ah rukniyada ugu weyn ee Xajka, islamarkaana ah maalinta ugu fadliga badan ee sannadka muslimiinta.

Maalinta Carafo, oo ah 9-ka Dul-Xijjah, Waa maalin si gaar ah looga rajeeyo dembi dhaaf iyo toobad keen.

Xujeydu waxay taagnaanayaan Banka Carafo laga bilaabo duhur ilaa qorrax dhaca, halkaas oo ay ku baryayaan Alle, kuna ducaysanayaan si dareen leh.

Culimada ayaa sheegay in Maalinta Carafo ay tahay maalin Alle uu ka xoreeyo naarta dadka ugu badan, taasina ay ka dhigeyso maalin ka duwan dhammaan maalmaha kale.

Waxaa jira xujey Soomaali ah oo sannadkan nasiib u yeeshay iney taagnaadaan Banka Carafo.

Muuqaalka malaayiinta Muslimiin ah ee isugu yimid halkii uu istaagay Nabiga (SCW), ayaa ah mid xasuusinaya midnimada, cibaadada, iyo barakeynta uu Islaamku leeyahay. Luuqado kala duwan, jinsiyado kala duwan, laakiin qalbi midaysan oo Alle u toosan.

Dhammaan muslimiinta aan Xajka aadin, waxaa lagu booriyay inay soomaan Maalinta Carafo, iyadoo soonka maalintan uu Rasuulku SCW ku sheegay in uu ka cafinayo dembiyada sanadka hore iyo kan danbe.

Maalinta Carafo waa fursad qaaliga ah oo qof walba u furan. Haddii aad xajka joogtid ama gurigaaga joogto, waa maalin aad ugu dhawaan karto Rabbigaaga, aadna ku kasban karto kheyr aan la tirin karin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Uganda oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay...

Dagaalka Iran oo la sheegay inay sabab u tahay soo laabashada burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya

Warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa iftiimisay in xiisadda iyo...

Amniga Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay iyo xilli doorashooyin dhawaan la filayo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa wajahaysa xaalad...

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka oo hal arrin ka wadahadlay

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa kulan la...

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya, Bashiir...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles