Kenya oo qeylo dhaan ka muujisay dhaqaale la’aanta haysata ciidamada AUSSOM

Dowladda Kenya ayaa walaac xooggan ka muujisay hoos u dhaca ku yimid taageerada dhaqaale ee howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM (African Union-led Somalia Support Mission), kaas oo beddelay hawlgalkii hore ee ATMIS ee ka socday Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kenya ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Musalia Mudavadi, ayaa sheegay in hawlgalka AUSSOM uu wajahayo caqabado dhaqaale oo ba’an, taas oo halis gelin karta sii socoshada dadaallada lagu sugayo xasilloonida gobolka.

Mudavadi oo wareysi siiyay Daily Nation ayaa tilmaamay in taageeradii dhaqaale ee laga filaayey beesha caalamka aanay weli si buuxda u hirgelin, taasoo dhibaato ku ah howlgalka iyo wada-shaqaynta ciidamada nabad ilaalinta ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

“AUSSOM wuxuu wajahayaa xaalad adag oo dhaqaale, taasoo haddii aan wax laga qaban ay halis gelin karto guulihii laga gaaray xasilloonida gobolka iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka ah,” ayuu yiri Mudavadi.

 

Mudavadi ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay ka dhabeyso ballanqaadyadii la xiriiray maalgelinta AUSSOM, si howlgalkaasi u sii wado hawshiisa muhiimka ah ee taageerada amniga Soomaaliya.

Howlgalka AUSSOM ayaa lagu beddelay ATMIS kadib go’aankii Midowga Afrika ee ahaa in la dhimo joogitaanka ciidan ee dalka Soomaaliya, iyadoo la isku dayayo in mas’uuliyadda amniga si tartiib ah loogu wareejiyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xafiisyada Midowga Yurub ama Qaramada Midoobay oo ku saabsan arrimaha uu Mudavadi sheegay, hase yeeshee khubaro ka faalloota arrimaha amniga gobolka ayaa horey uga digay suurtagalnimada caqabadaha dhaqaale ee horyaalla howlgalka cusub ee AUSSOM.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles