Wednesday, June 17, 2026

Xukun lagu riday rag ku eedeysan tashkiilinta iyo marin habaabinta Argagixisada

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday laba eedeysane oo lagu helay inay ku lug lahaayeen falal la xiriira argagixisada, tashkiilinta iyo marin habaabinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Eedeysanaha koowaad, Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud (Daqare), ayaa lagu soo eedeeyay inuu tan iyo 2009-ka ka tirsanaa kooxaha argagixisada, islamarkaana uu door muuqda ku lahaa qabyo-tashkiilinta xubno kala duwan oo kamid noqday kooxahaasi, oo ay ku jiraan saraakiil hore uga tirsanaa ciidamada qalabka sida.

Garsoorka maxkamadda ayaa sheegay in Muxudiin Daqare uu “doorkiisa horjoogenimo” u adeegsaday in uu si gaar ah ugu tashkiiliyo xubno kasoo jeeda jufadiisa hoose, kuwaas oo kadib geystay weerarro ay kamid yihiin:

Qaraxyadii Muqdisho Mall (2019),

Qaraxii ka dhacay Baar Cagaweyne ee agagaarka Hotel Wehliye (2019),

Weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde (2022).

Eedeysanaha labaad, Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale (Wadne), oo ah sarkaal hore uga tirsanaa ciidanka xoogga dalka, ayaa isna lagu eedeeyay in uu ku biiray kooxda argagixisada kadib markii uu la tashkiilay eedeysanaha koowaad, oo la sheegay in uu yahay abtigiis hooyo.

Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in eedeysanaha Daqare uu horey ugu wareejiyay xubnahaasi shaqsiyaad kale, oo ay kamid yihiin:

Ex Dhamme Shariif Maxamed Barqadle (Shariif Jeego)

Ex Dable Maxamed Cabdulle Nuur Abkoow Biyamaaloow

Shariif Nuur Cali Awliyo – Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee arrimaha bulshada Degmada Hodan

Maxamed Cali Kaahiye – Lagu sheegay in uu wali dhuumaaleysi kaga jiro Gobolka Mudug

Hay’adaha amniga ayaa muddo la socday dhaqdhaqaaqyada eedeysanayaasha, iyadoo baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada uu codsaday qaadista kiiska, taas oo maxkamaddu aqbashay 11-kii May 2025.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa warbaahinta u sheegay in:

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud (Daqare) lagu xukumay xabsi daa’in,

Halka Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale (Wadne) lagu xukumay afar sano oo xabsi ciidan ah.

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa xusay in garsoorka si buuxda u dhageystay labada dhinac ee dacwadda, islamarkaana xukunka uu salka ku hayo caddeymaha ay soo ururiyeen laamaha ammaanka iyo xafiiska xeer ilaalinta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles