Farmaajo oo eedeyn u jeediyay MW Xasan Sheekh iyo walaac uu ka muujiyay gogosha wadatashiga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhaliil xooggan u jeediyay sida uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u maamulay gogosha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay 1-dii bishan Juun, isagoo sheegay in hanaanka martiqaadka, ajandaha, iyo qaabka uu u wajahayo arrimaha masiiriga ah ee dalka aysan muujinayn dadaal dhab ah oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.

Farmaajo ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha in uu weli ka leexanayo in si dhab ah loo wajahdo arrimaha taabanaya masiirka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, nidaamka doorashooyinka, iyo wadaagga awoodda heer Federaal iyo Dowlad-goboleed.

“Arrimaha siyaasadeed ee u baahan heshiis qaran iyo talo-wadaag waa mas’uuliyad lagu xalliyo iyadoo loo dhan yahay. Madaxweynuhu wuxuu u muuqdaa mid wali diidan in uu waddadaas qabsado,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa si gaar ah uga digay in la fuliyo wax-ka-beddelka dastuurka iyadoo aan la helin heshiis qaran oo lagu mideysan yahay, isagoo sheegay in qorshaha cusub ee wax-ka-beddelka lagu samaynayo 11 cutub oo ka mid ah dastuurka uu yahay “mid sharci-darro ah” oo “wiiqaya heshiiskii siyaasadeed ee lagu dhisay dowladnimada dalka”.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa dhaliilay hannaanka doorashada ee dowladda hadda jirta wado, isagoo ku tilmaamay “mid aan loo dhamayn”, islamarkaana “ku salaysan sharciyo iyo guddiyo uu madaxweynuhu gaar u magacaabay”.

Wuxuu sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan is-diiwaangelinta muwaadiniinta, isagoo sheegay in ay tahay mid “qasab ah” oo “ku tumanaysa xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed”.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxweynaha in uu si dhab ah u wajaho xaaladda siyaasadeed ee dalka, kuna soo laabto dastuurkii lagu heshiiyay, isagoo tilmaamay in gogosha wadatashiga iyo go’aannada masiiriga ah ay noqdaan kuwo loo dhan yahay, oo ay si buuxda uga qayb qaataan dhammaan heerarka dowladda.

“Haddii si dhab ah loo doonayo xal waara, waa in gogosha wadatashigu noqotaa mid ay ka wada qeyb qaataan Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, si loo ilaaliyo midnimada dalka iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynihii hore.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles