Monday, August 10, 2026

Midowga Afrika oo ka hadlay xayiraada socdaalka Maraykanka

Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay go’aanka dowladda Mareykanka ay ku soo rogtay xayiraada cusub ee dhanka socdaalka ah ee ay saameysay muwaadiniinta ka imaanaya ilaa todobo dal oo Afrikaan ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu ku aqoonsanayo xuquuqda madax bannaan ee ay dalalku u leeyihiin ilaalinta xuduudahooda iyo sugidda amniga qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay ku boorinaysaa Maraykanka in uu u dabaqo tillaabooyinkan si dheeli tiran, oo ku salaysan cadaymo, lana socon kara iskaashiga soo jireenka ah ee Afrika iyo Maraykanka.

“Guddiga ayaa weli ka walaacsan saameynta xun ee ka iman karta tallaabooyinkan oo kale ee xiriirka dadka iyo dadka, isweydaarsiga waxbarashada, ka qaybgalka ganacsiga, iyo xiriirka ballaaran ee diblomaasiyadeed ee si taxadar leh loo kobcinayey tobanaan sano,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ururka Afrika ayaa ka codsanaya Maraykanka in uu wadahadal la galo wadamada Afrikaanka ah ee ay saameeyeen si loo xalliyo arrimaha sababay mamnuucida.

Shalay, maamulka Trump ayaa xayiraad buuxda oo dhanka socdaalka ah saaray Congo Brazzaville, Equatorial Guinea, Eritrea, Somaaliya, Chad, Sudan, iyo Libya. Waxa ay sidoo kale xayiraad dhanka socdaalka ah saartay dalalka Sierra Leone, Togo iyo Burundi – kuwaas oo dhamaantood ay sheegtay in ay khatar ku yihiin amniga qaranka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo diidday qorshaha Trump ee 15-ka qodob ka kooban ee Gaza, sida uu sheegay Netanyahu

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka...

Bogga hoggaamiyaha Iran oo lagu sheegay in ay kulmeen Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezhakian

Bogga internetka ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay...

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles