Malaayiin Muslimiin ah oo ay ku jiraan Soomaali oo maanta taagan Banka Carafo

In ka badan 2 milyan oo xujey ah ayaa maanta isugu yimid Banka Carafo ee dhulka barakaysan ee Sacuudi Carabiya – taasoo ka mid ah rukniyada ugu weyn ee Xajka, islamarkaana ah maalinta ugu fadliga badan ee sannadka muslimiinta.

Maalinta Carafo, oo ah 9-ka Dul-Xijjah, Waa maalin si gaar ah looga rajeeyo dembi dhaaf iyo toobad keen.

Xujeydu waxay taagnaanayaan Banka Carafo laga bilaabo duhur ilaa qorrax dhaca, halkaas oo ay ku baryayaan Alle, kuna ducaysanayaan si dareen leh.

Culimada ayaa sheegay in Maalinta Carafo ay tahay maalin Alle uu ka xoreeyo naarta dadka ugu badan, taasina ay ka dhigeyso maalin ka duwan dhammaan maalmaha kale.

Waxaa jira xujey Soomaali ah oo sannadkan nasiib u yeeshay iney taagnaadaan Banka Carafo.

Muuqaalka malaayiinta Muslimiin ah ee isugu yimid halkii uu istaagay Nabiga (SCW), ayaa ah mid xasuusinaya midnimada, cibaadada, iyo barakeynta uu Islaamku leeyahay. Luuqado kala duwan, jinsiyado kala duwan, laakiin qalbi midaysan oo Alle u toosan.

Dhammaan muslimiinta aan Xajka aadin, waxaa lagu booriyay inay soomaan Maalinta Carafo, iyadoo soonka maalintan uu Rasuulku SCW ku sheegay in uu ka cafinayo dembiyada sanadka hore iyo kan danbe.

Maalinta Carafo waa fursad qaaliga ah oo qof walba u furan. Haddii aad xajka joogtid ama gurigaaga joogto, waa maalin aad ugu dhawaan karto Rabbigaaga, aadna ku kasban karto kheyr aan la tirin karin.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles