Midowga Afrika oo ka hadlay xayiraada socdaalka Maraykanka

Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay go’aanka dowladda Mareykanka ay ku soo rogtay xayiraada cusub ee dhanka socdaalka ah ee ay saameysay muwaadiniinta ka imaanaya ilaa todobo dal oo Afrikaan ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu ku aqoonsanayo xuquuqda madax bannaan ee ay dalalku u leeyihiin ilaalinta xuduudahooda iyo sugidda amniga qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay ku boorinaysaa Maraykanka in uu u dabaqo tillaabooyinkan si dheeli tiran, oo ku salaysan cadaymo, lana socon kara iskaashiga soo jireenka ah ee Afrika iyo Maraykanka.

“Guddiga ayaa weli ka walaacsan saameynta xun ee ka iman karta tallaabooyinkan oo kale ee xiriirka dadka iyo dadka, isweydaarsiga waxbarashada, ka qaybgalka ganacsiga, iyo xiriirka ballaaran ee diblomaasiyadeed ee si taxadar leh loo kobcinayey tobanaan sano,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ururka Afrika ayaa ka codsanaya Maraykanka in uu wadahadal la galo wadamada Afrikaanka ah ee ay saameeyeen si loo xalliyo arrimaha sababay mamnuucida.

Shalay, maamulka Trump ayaa xayiraad buuxda oo dhanka socdaalka ah saaray Congo Brazzaville, Equatorial Guinea, Eritrea, Somaaliya, Chad, Sudan, iyo Libya. Waxa ay sidoo kale xayiraad dhanka socdaalka ah saartay dalalka Sierra Leone, Togo iyo Burundi – kuwaas oo dhamaantood ay sheegtay in ay khatar ku yihiin amniga qaranka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles