Wednesday, June 24, 2026

Midowga Afrika oo ka hadlay xayiraada socdaalka Maraykanka

Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay go’aanka dowladda Mareykanka ay ku soo rogtay xayiraada cusub ee dhanka socdaalka ah ee ay saameysay muwaadiniinta ka imaanaya ilaa todobo dal oo Afrikaan ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu ku aqoonsanayo xuquuqda madax bannaan ee ay dalalku u leeyihiin ilaalinta xuduudahooda iyo sugidda amniga qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay ku boorinaysaa Maraykanka in uu u dabaqo tillaabooyinkan si dheeli tiran, oo ku salaysan cadaymo, lana socon kara iskaashiga soo jireenka ah ee Afrika iyo Maraykanka.

“Guddiga ayaa weli ka walaacsan saameynta xun ee ka iman karta tallaabooyinkan oo kale ee xiriirka dadka iyo dadka, isweydaarsiga waxbarashada, ka qaybgalka ganacsiga, iyo xiriirka ballaaran ee diblomaasiyadeed ee si taxadar leh loo kobcinayey tobanaan sano,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ururka Afrika ayaa ka codsanaya Maraykanka in uu wadahadal la galo wadamada Afrikaanka ah ee ay saameeyeen si loo xalliyo arrimaha sababay mamnuucida.

Shalay, maamulka Trump ayaa xayiraad buuxda oo dhanka socdaalka ah saaray Congo Brazzaville, Equatorial Guinea, Eritrea, Somaaliya, Chad, Sudan, iyo Libya. Waxa ay sidoo kale xayiraad dhanka socdaalka ah saartay dalalka Sierra Leone, Togo iyo Burundi – kuwaas oo dhamaantood ay sheegtay in ay khatar ku yihiin amniga qaranka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles