Wednesday, August 19, 2026

Rag dil iyo dhac ka geystay degmada dayniile oo la qabtay

Ciidamada booliiska saldhigga degmada Dayniile, ayaa ku guuleestay iney soo xiraan rag lagu tuhmayo dilka iyo dhacii habeen hore ka dhacay xaafado katirsan degmada Dayniile.

Nin askari ah oo xiran dareeska milatariga oo magaciisa lagu sheegay Micraaj kana tirsan ciidanka xoogga guutada 77, iyo wiilka kale oo lagu magacaabo Maxamed Cali Ganey, ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana raggan iyo kuwa kale oo baxsad ah ku eedeysan yihiin dil iyo dhac loo geestay Agaasimihii waaxda Dalxiiska Dayniile Cabdullahi Sheekh Ibraahim iyo dhaca dad kale.

Booliiska Dayniile, ayaa sidoo kale raadinaya askar kale oo qeyb ka ahaa raggii dilka iyo dhaca u geestay agaasimihii waaxda Dalxiiska degmada Dayniile, oo la dilay habeenkii Axada soo galeysay.

Raggan ayaa sawiradooda la helay markii ay ka soo muuqdeen Video ay isaga duubeen moobeel ay ka dhaceen wiil dhallinyaro ah oo degan Dayniile, mobelka ay dhaceen ayaa Apple ID-giisa meel kale laga furay, waxaana Snapchatka laga helay muuqaalada ay isaga duubeen.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles