Tuesday, March 3, 2026

Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya dalka Shiinaha

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda FS mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Changsha ee dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qaybgali doono laba shir oo muhiim ah oo kala ah, shirka heer wasiir ee Isku-duwayaasha FOCAC, iyo Carwada 4-aad ee ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.

Shirka FOCAC ayaa diiradda saaraya dhaqangelinta ballanqaadyadii laga gaaray shirkii Beijing ee 2024, halkaas oo Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Shiinaha ay ku heshiiyeen in xiriirka labada dal loo qaado heer iskaashi istiraatiiji ah.

Carwada Changsha ayaa sanadkan markii ugu horreysay martigelineysa shirkado Soomaaliyeed oo si rasmi ah u soo bandhigaya wax-soo-saarka dalka — laga bilaabo malmalka iyo beeyada ilaa kalluunka, iyo dalaga beeraha — iyagoo raadinaaya suuqyo cusub iyo maalgashi caalami ah.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha Hodan Cusmaan ayaa wafdiga soo dhaweysay, waxaana ay tilmaantay booqashada wsiirku inay astaan u tahay muhiimadda ay Soomaaliya siineyso iskaashiga istiraatiijiga ah ee ay la leedahay Shiinaha, waxayna xustay in safaaraddu si dhow ula shaqeyn doonto wafdiga si loo xaqiijiyo in ka qeybgalka Soomaaliya ee shirarka iyo carwada uu miro-dhal dhab ah yeesho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles