Tuesday, August 18, 2026

Maraykanka oo muwaadiintiisa kala baxaya Ciraaq

Shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee safaaradda Mareykanka iyo qoysaskooda ee ku sugan Baqdaad ayaa lagu wargeliyay in laga rarayo dalka Ciraaq sababo la xidhiidha khataraha amni ee isa soo taraya, sida ay sheegeen ilo dowladda Mareykanka ka tirsan.

Mas’uuliyiintu ma sheegin si sax ah waxa sababay tallaabadan, balse Arbacadii, warbaahinta CBS  ayaa sheegtay in saraakiil Mareykan ah lagu wargeliyay in Israa’iil ay diyaar u tahay in ay weerar ku qaaddo Iran, iyadoo la soo xiganayo mas’uuliyiin arrintaas xog ogaal u ah.

Saraakiishu waxay sheegeen in tani ay qayb ka tahay sababaha Mareykanku uga digay qaar ka mid ah muwaadiniintiisa in ay ka baxaan gobolka, iyagoo intaas ku daray in Mareykanku filayo in Iran ay uga aargoosan karto goobo gaar ah oo Mareykanku ku leeyahay gudaha Ciraaq.

Arrintan waxay imaaneysaa xilli wadahadalladii Mareykanka iyo Iran ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ay u muuqdaan kuwa istaagay. Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa weli qorsheynaya inuu la kulmo mas’uuliyiin Iraniyiin ah Axadda, si loogu guda galo wareegga lixaad ee wadahadallada, sida ay CBS u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles