Wednesday, August 19, 2026

Israa’iil oo weerar ku qaaday Iran

Israa’iil ’il ayaa Waaberigii saaka weerar culus ku qaaday dalka Iiran, iyadoo beegsatay Xarumaha Niyukliyeerka dalkaasi, Saldhigyada ciidamada iyo Guryaha ay degan yihiin Saraakiisha iyo Khubarada Iiraan.

Weerarkan oo lama filaan ahaa, balse muddooyinkan la saadaalinayay ayaa ilaa hadda socda, waxayna Madaxda Yuhuudda ee Ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisa difaaci Isray-iil Katz sheegeen inuu toddobaadyo socon doono.

Weerarka waxaa loo adeegsaday tobanaan ka mida Diyaaradaha dagaalka oo sii maray hawada Dalalka Jordan iyo Iraq. Mareykanka ayaa iska fogeeyay inuu ku lug leeyahay weerarkan.

Goobaha la duqeeyay waxaa ka mida xarunta Natanz ee ugu weyn ee goobaha ay Iran ku xoojiso awoodeeda Niyukliyeerka oo la xaqiijiyay in dhowr jeer ay duqeeyeen.

Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda, waxaa kaloo la duqeeyay xarunta ilaalada Kacaanka Iran, saldhigyada ciidamada cirka iyo xarumaha milateriga.

Illaa iyo hadda warbaahinta Iran ayaa xaqiijisay in lagu dilay weerarkii Isra’il

  • Hossein Salami, Taliyihii Guud ee Ilaalada kacaanka Islaamiga ah
  • Gholamali Rashid, Taliyihii Xarunta Dhexe ee Khatam-al Anbiya
  • Fereydoon Abbasi, Saynisyahan cilmiga Nukleerka, islamarkaana horay u soo noqday madaxa Ururka Tamarta Atomikada
  • Mohammad Mahdi Tehranchi, Saynishan kale oo cilmiga Nukleerka
  • Mohammad Bagheri, Abbaandulihii Ciidamada Qalabka Sida ee Iran

Waxaa sidoo kale dhaawac loo geystey Cali Shamkhani oo ah Lataliye sare u ahaa Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Supreme Ayatollah Cali Khamenei

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles