Thursday, June 18, 2026

Madaxweyne Deni oo Taageero u muujiyay Jubbaland iyo siyaasiyiinta Mucaaradka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si cad u muujiyay taageero buuxda oo uu la garab taagan yahay Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Golaha samatabixinta Soomaaliyeed ee mucaaradka, kaasi oo dhawaan loogu dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay magaalada Garoowe ayaa si adag u dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay ku guuldareysatay siyaasadda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, wadajirka qaranka, iyo doorashooyinka.

“Waa dhaqankii Buush in la weeraro ciddii kaa soo horjeeda,” ayuu yiri Deni, isagoo u muuqday inuu si dadban ugu dhaleeceynayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Deni wuxuu sheegay in dalka uu marayo xaalad u baahan samatabixin qaran, taas oo ay horseedi karaan hoggaan isbedel doon ah oo ka damqada danta shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland ayaa shaaca ka qaaday in kulamo dhowaan uu la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay isla meel dhigeen baahida loo qabo iskaashi ujeedkiisu yahay difaaca madax-bannaanida dowlad goboleedyada.

Kulamadaas ayaa ka dhacay gudaha dalalka,Kenya iyo Imaaraadka Carabta, halkaas oo labada hoggaamiye ay uga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mowqifka ay ka leeyihiin dowladda dhexe.

Warkaan oo wata saamayn siyaasadeed ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda u dhaxeysa Madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay cirka isku sii shareereyso.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles