Dib u dhac ku yimid Shirkii Wadatashiga Qaran ee uu Iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya

Waxaa dib u dhacay shirkii wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo la filayay inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

Sababta baaqashada shirka ayaa si rasmi ah looma shaacin, balse warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in arrimo farsamo iyo dadaallo ay wado Madaxtooyada Soomaaliya oo ku aaddan sidii qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka loogu qancin lahaa inay ka qeybgalaan shirka, ay sababeen dib-u-dhaca.

Mucaaradka qaarkood, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed  oo ay ku mideysan yihiin madaxdii hore ee dalka, ururro siyaasadeed iyo siyaasiin kale ayaa horey u sheegay in ay shirka ka qeybgali doonaan, haddii aysan dowladda cadey qodobada looga hadlayo shirka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland laga soo qeyb geliyo shirka iyo laga fogaado shirar u muuqda kuwo dhinac keli ah dan ugu jira.

Madaxtooyada Soomaaliya weli kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan sababta uu shirku u baaqday, taas oo sii xoojisay walaaca iyo tuhunka ay qabaan qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda, ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay wadatashi dhab ah oo lagu xallinayo khilaafaadka jira, loogana gudbayo is-mari-waaga siyaasadeed ee dalka hortaagan. Wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in la dhageysto cabashooyinka jira, si looga wada hadlo mustaqbalka dalka.

Shirkan ayaa la filayay inuu noqdo fursad muhiim ah oo lagu kala aragti dhiiban lahaa arrimaha doorashooyinka, dastuurka, ammaanka iyo dib-u-heshiisiinta, balse dib-u-dhaciisa ayaa dib u dhigay rajooyinkii laga qabay wada-hadal qaran oo ballaaran.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles