Thursday, June 18, 2026

Dib u dhac ku yimid Shirkii Wadatashiga Qaran ee uu Iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya

Waxaa dib u dhacay shirkii wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo la filayay inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

Sababta baaqashada shirka ayaa si rasmi ah looma shaacin, balse warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in arrimo farsamo iyo dadaallo ay wado Madaxtooyada Soomaaliya oo ku aaddan sidii qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka loogu qancin lahaa inay ka qeybgalaan shirka, ay sababeen dib-u-dhaca.

Mucaaradka qaarkood, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed  oo ay ku mideysan yihiin madaxdii hore ee dalka, ururro siyaasadeed iyo siyaasiin kale ayaa horey u sheegay in ay shirka ka qeybgali doonaan, haddii aysan dowladda cadey qodobada looga hadlayo shirka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland laga soo qeyb geliyo shirka iyo laga fogaado shirar u muuqda kuwo dhinac keli ah dan ugu jira.

Madaxtooyada Soomaaliya weli kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan sababta uu shirku u baaqday, taas oo sii xoojisay walaaca iyo tuhunka ay qabaan qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda, ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay wadatashi dhab ah oo lagu xallinayo khilaafaadka jira, loogana gudbayo is-mari-waaga siyaasadeed ee dalka hortaagan. Wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in la dhageysto cabashooyinka jira, si looga wada hadlo mustaqbalka dalka.

Shirkan ayaa la filayay inuu noqdo fursad muhiim ah oo lagu kala aragti dhiiban lahaa arrimaha doorashooyinka, dastuurka, ammaanka iyo dib-u-heshiisiinta, balse dib-u-dhaciisa ayaa dib u dhigay rajooyinkii laga qabay wada-hadal qaran oo ballaaran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles