Guddiga joogtada Golaha Shacabka ee BFS oo shaaciyay waqti uu furmayo kulanka Baarlamaanka

Guddiga Joogtadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa caadiga ah ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyay dib u bilaabida howlaha Golaha ka dib markii laga soo laabtay fasax kooban oo ahaa maalmihii Ciida iyo gudashada waajibaadka Xajka,.

Sidoo kale guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa uuna xubnaha guddiga kula dardaarmay dardargelinta howlaha Golaha iyo sidoo kale ka shaqeynta shuruucda agtaala golaha inta ka harsan kalfadhiga lixaad.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa laga dhageystay guddi walba shuruucda agtaala iyo habraacyada u dhiman iyo sidoo kale xiliga la horgeynayo kulamada guud ee Golaha, waxaana sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ay ka doodeen jadwalka ajendayaasha kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles